(Yurub) 17 Sebt 2021. Ciyaaryahankii hore kooxda Real Madrid ee reer Brazil Rodrigo Fabri, ayaa sheegay in uusan fileyn in Cristiano Ronaldo uu ku guuleysan doono xirfadiisa ciyaareed isla markaana uu noqon doono midka ugu fiican taariikhda.

Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta. Isaga oo ku guuleytay dhammaan koobabka suurtagalka ah, ha ahaadaan kuwa maxalliga ah, ama kuwa caalamiga ah, marka laga reebo koobka adduunka oo wali aan loo caleemo saarin.

Laakiin inkasta oo uu Cristiano Ronaldo leeyahay tayo, haddana ma uusan soo jiidin Rodrigo Fabri intii uu joogay Sporting Lisbon.

Cristiano Ronaldo ayaa tababar qaatay markii uu ahaa 15 jir isaga iyo Fabri oo ka tirsan kooxda koowaad ee Sporting Lisbon, laakiin ma uusan soo jiidan dareenka ciyaaryahanka reer Brazil waqtigaas.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, Ciyaaryahankii hore kooxda Real Madrid ee reer Brazil Rodrigo Fabri, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Rodrigo Fabri sobre Cristiano: "No me llamó la atención para pensar que  podía llegar a ser el mejor del mundo" | MARCA Claro Argentina

“Markii aan joogay Sporting Lisbon, waxaan la sameynay xoogaa tababar ah kooxda dhalinyarada, Cristiano Ronaldo ayaana naga hor yimid oo aan la ciyaarnay.”

“Wali aad buu u yaraa, dabcan wuxuu muujiyay inuu yahay mid cajiib ah, wuxuuna muujiyey tayo.”

“Laakiin runtii indhahayga uma qaban ilaa aan dhaho, Oh, wiilkan wuxuu noqonayaa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.”

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US