(Barcelona) 19 Luulyo 2021. Maanta oo kale 18-sano ka hor Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la saxiixatay Ronaldinho, kaddib markii xiddiga reer Brazil ay ka afduubatay Manchester United oo aad u doonaysay inay waqtigaa la soo wareegto.

Kooxda Barcelona waxa uu Ronaldinho u saftay 207 kulan, waxa uu u dhaliyey 94 gool, isagoo u sameeyey 71 caawin.

Waxa uu Ronaldinho kula guuleystay kooxda ka dhisan Catalonia 2 horyaalka La Liga, 2 Supercopa de Espana iyo 1 Champions League.

Abaal-marinnada shaqsiga ah ee intii uu ku sugnaa garoonka Camp Nou uu ku guuleystay waxaa ka mid ah 2 jeer oo uu hantay FIFA World Player of the Year, 2 jeer oo uu helay FIFPro World Player of the Year iyo 1 jeer oo uu kor u qaaday kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or.

SAWIRRO:

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US