(London) 12 Okt 2021. Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira mustaqbalkiisa macallinnimo ee xulka qaranka si uu qandaraaska ugu kordhiyo hase ahaatee waxa uu ka hormariyay inuu marka hore Saddexda Libaax usoo saaro Koobka Adduunka.

Xulka Ingiriiska ayaanan xaqiijin karin usoo bixitaanka Koobka Adduunka ee 2022 illaa laga gaaro kulammada qarammada ee bisha dambe waxaana Southgate oo ka hadlay arrimaha qandaraas kordhintiisa uu sheegay inuu marka hore diiradda saarayo inay hubiyaan booskooda Qatar ee 2022.

“Doodda si bilaaran ayay u baallaaran tahay, Mark Bullingham (Guddoomiyaha fulinta xiriirka FA) aad ayuu arrinta u taageersan yahay, balse aniga waxaan dareemayaa inuu dalka usoo baxo Koobka Adduunka ay tahay ahmiyadda koowaad, wax walba waxaan eegeynaa toddobaadyo dhowr ah gudahood” ayuu yiri macallinka xulka England.

Qandaraaska Southgate uu ku maamulayo xulka heysta Koobka Adduunka hal mar ayaa dhici doona kaddib dhammaadka Koobka Adduunka ee sanadka xiga lagu ciyaari doono dalka Qatar, waxaana xiriirka FA ay ka walaacsan yihiin mustaqbalka macallinkooda iyagoo si hoose uga war helay inuu doonayo kusoo laabashada maamulka heer naadi.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US