Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay laba Taliye Qaybeed u magacaabay Gobollada Karkaar iyo Sanaag.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu magacaabay Taliyaasha Qaybta Booliiska Gobollada Karkaar iyo Sanaag kadib markii xilka laga qaaday Taliyaashii hore.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay Gaashaanle sare Faarax Nuur Maxamed halka Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag loo magacaabay G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US