MUQDISHO (HALBEEG)- Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada gaar macallimiinta Soomaaliyeed la wadaagay hanbalyada maalinta macallimiinta Soomaaliyeed oo ku asteydsan 21-ka November.
“Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hanbalyo ah soo dhigay bartiisa Facebook.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay xaaladihii iyo duruufihii kala duwanaa ee ay macallimiinta Soomaaliyeed ku soo shaqeeyeen iyo sidii ay ugu dhabar adeegeen sidii ay u badbaadin lahaayeen Mustaqbalka Carruurta Soomaaliyeed.
“Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalkii ay macalimiinta Soomaaliyeed ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.
Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo ayaa sheeegay in dowladdu ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.


Post Views:
30

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US