Phil Foden iyo Gabriel Jesusu ayaa ceeb weyn ka badbaadiyay Manchester City ka dib markii ay ku hogaamiyeen guul soo laabasho ah oo ay ka gaareen kooxda heerka afaraad ee Chaltenham ciyaar adag oo ka dhacday Whaddon Road Ground iyagoo ku badiyay 3-1.

City ayaa gool looga hormaray bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta, iyadoo Foden iyo Gabriel Jesus ay labo gool oo degdeg ah dhaliyeen dhamaadkii ciyaarta halka Torres uu gool seddexaad dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta taasoo ceeb weyn ka badbaadisay kooxda Pep Guardiola oo u gudubtay wareega 16ka ee FA Cup.

Kooxda heerka afaraad ee Chaltenham ayaa bilowgii ciyaartaba soo bandhigtay inaysan diyaar u aheyn guuldarro iyagoo qaab ciyaareed fiican kala hortagay mid ka mid ah kooxaha ugu fiican dunida.

Inkastoo City ay fursado soo mareen hadana daafacyada dhexe iyo goolhayaha kooxda Chaltenham ayaa u babac dhigay. City iyagaba qeybtii hore halis ayay ku galeen kubadaha koornada iyo laadadka xorta ah.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

15 Daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta aya laga naxsaday Manchester City markii ay kooxda heerka afaraad hogaanka u qabatay ciyaarta.

Kubad foori gacan dheer uu soo qaaday Tozer ayaa u suuragelisay Bole inuu kubada ka qaato Laporte, waxay kubada ku dhacday goolka hortiisa iyadoo Mendy uu iska daawanaayy taasoo keentay in May uu shabaqa ku hubsado.

Iyadoo ay u muuqato in kooxda heerka afaraad ay caawa ceebeyn doonto Man City ayay kooxda Pep Guardiola heleen goolka barbaraha daiqiiqadii 82aad ee ciyaarta.

Kubad karoos uu soo dhigay Cancelo ayaa waxaa si cajiib ah u dhameystiray Phil Foden, waa goolkiisii sagaalaad ee xilli ciyaareedka isagoo ceeb ka badbaadiyay Manchester City.

Seddex daqiiqo ka dib Manchester City ayaa dhalisay goolka guusha, Fernandinho ayaa kubad u qaaday Gabriel Jesus iyadoo daafacyada Cheltenham ay moodayeen inuu offside yahay laakiin xiddiga Man City ayaa si sahlan goolka u dhaliyay.

Man City ayaa gool seddexaad heshay daqiiqadii 3aad ee waqtigii dheeriga ee ciyaarta iyadoo Ferran Torres uu shabaqa ku taabtay kubad uu u soo celiyay Gundogan.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Manchester City kaga badisay kooxda heerka afaraad iyagoo u soo gudbay wareega 16ka ee FA Cup

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US