Kooxda Man United ayaa wajahaysa wakhti adag kadib fasaxa xulalka iyada oo kulamo aad u badan ciyaari doonta muddo aad u kooban.

Solskjaer ayaa kooxdiisa ku hogaamin doona 7 kulan kaliya muddo 3 todobaad ah iyada oo isaga gooshi doonta qaarada yurub iyo England dhexdeeda.

Kulamada aadka u badan ayaa Man United ku soo beegmaya wakhti ay kooxdu ku jirto qaab ciyaareed xun xllli ay u baahanyihiin wakhti ay iskula qabsadaan.

Kooxda Man United ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Newcastle Kulan ka tirsan horyaalka premier League iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Kulankaas kadib kooxda Solskjaer ayaa u safri doonta Paris halkaas oo ay kula ciyaari doonaan kooxda PSG kulan ka tirsan champions League.

Kadib United ayaa la ciyaari doonta Chelsea kulan ka tirsan Premier League ka hor inta ayna marti galin kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan champions League.

Kadib Arsenal ayaaa la ciyaari doonta Man United ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir kulankii 3-aad ee champions League.

Man United ayaa 3-da todobaad ee dabka ah ku dhamaysan doonta kulan ay la ciyaari doonto kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Newcastle United (a) – Premier League, Oct 17
Paris Saint-Germain (a) – Champions League, Oct 20
Chelsea (h) – Premier League, Oct 24
RB Leipzig (h) – Champions League, Oct 28
Arsenal (h) – Premier League, Nov 1
Istanbul Basaksehir (a), Champions League, Nov 4
Everton (a) – Premier League, Nov 7

Sii Akhriso: Sarkaal Sare oo ka Tirsanaa Milatariga Somaliland oo Lagu Dilay Magaalada Hargeisa

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US