Man United ayaa wadahadallo la biloowday qadka dhexe kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga oo ay u arkaan badalka xiddigooda Pogba

Pogba ayaa mar kale shaki giliyay mustaqbalkiisa Old Trafford ka dib markii uu carabka ku adkeeyay in riyadiisa ay tahay in uu u ciyaaro Real Madrid

United waxa ay loolan kala kulmeysaa Real Madrid kuwaasi muddo baacsanayay laacibkaas asalkiisa yahay dalka Angola kaasi oo haatan qaranka France looga yeeray waliba dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay qaranka ka dib kulaniki Ukrine ee 7/1 ku dhamaaday

Eduardo Camavinga waxa uu kooxdaas reer Ferance u saftay 49 kulan waxa ayna United dadaal ku bixinayaan in ay saxiixiisa helaan xagaaga

Lama helin qiimaha United damacsan tahay in ay ula tagaan Rennes balse waxaa la xaqiijiyay in da`yarkaas ula tageen qorshe ah in ay ka saxiixinayaan hishiis gaaraya 5 sano

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US