(Manchester) 28 Luulyo 2020. Kabtankii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Ireland ee Roy Keane ayaa sheegay in Red Devils ay tahay inay raadiso goolhaaye ka fiican David de Gea, haddii ay dooneyso inay u tartanto hanashada horyaalka Premier League.

Waxaa jiray baaqyo waaweyn oo ku saabsan in David de Gea laga saaro kooxda kaddib qaladaadkii uu sameeyay inta lagu jiray kulankii semi-finalka FA Cup ay guuldarrada ka soo gaartay Man United naadiga Chelsea.

Haddaba Kabtankii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Ireland ee Roy Keane ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Roy Keane: De Gea was arrogant, I would have lynched him | MARCA ...

“Waligey taageere weyn uma noqon goolhayaha reer Spain”.

“Waxa uu sameynayaa khaladaad fara badan ee Manchester United ku keeni kara inay lumiso dhibco muhiim u ah”.

“Haddii Man United ay rabto inay u tartamto hanashada horyaalka Premier League, waxay u baahan tahay goolhaaye ka fiican” ayuu yiri Roy Keane.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US