(Manchester) 13 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa baadi goob ugu jirta baddelka xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Fernandinho kaasoo ku jira xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa garoonka Etihad.

Kubbad burburiyaha reer Brazil ayaa bilaash kaga tagi kara City dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana haatan kooxdiisu ay isha la raaceysaa xiddiga West Ham United u ciyaara ee Declan Rice sida laga soo xigtay The Sun.

Warar kale ayaa sheegaya inuu Macallin Pep Guardiola maamulka kooxdiisa ka dalbaday inay lasoo saxiixdaan laacibka Leeds United ee Kalvin Philips.

Si kastaba ha ahaatee, Man City ayaa loollan ku aaddan saxiixa Rice kala kulmeysa kooxda Manchester United oo ay si gaar ah u xafiiltamaan, taasoo dooneysa inay kubbad raacahan kusoo safkooda khadka dhexe.

Declan Rice lifts lid on Kalvin Phillips bromance - Hammers News

Labada xiddig ee bartilmaameedka u ah Citizens ayaa door muuqda ka qaatay in xulka qaranka England uu gaaro fiinaalkii tartanka qarammada Yurub ee EURO 2020 inkastoo xulka Taliyaaniga uu koobka ka qaaday Saddexda Libaax.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US