(Manchester) 13 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay u dhaqaaqeyso saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland iyagoo bisha January ee sanadka soo aaddan wada-xaajood ku aaddan saxiixa weeraryahankan la bilaabeyso wakiilkiisa Mino Raiola.

Wargeyska The Times ayaa sheegay inay Man City si buuxda dareenkeeda ugu weecisay Haaland isla markaasna uu yahay midka booska koowaad kaga jira diiwaanka xiddigaha ay dooneyso xagaaga dambe si ay baddel joogto ah ugu helaan Sergio Aguero oo xagaagii si bilaash ah ugu biiray naadiga Barcelona kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisii Etihad Stadium.

Kooxda Macallin Pep Guardiola ayaa bartilmaameed horraan ka dhigatay xiddiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane hase ahaatee, diidmada guddoomiyaha Spurs ee Daniel Levy awgeed, way ku hungowday, sidaas darteed, waxay Haaland ku dooraneysaa in heshiiskiisa Dortmund lagu jebin karo 64 milyan oo gini xagaaga 2022.

Si kastaba ha ahaatee, 21-sano jirkan ayaa bandhig heer sare ah ka sameynaya Bundesliga isagoo BVB u dhaliyay 68 gool kaddib 67 kulan oo uu u saftay dhammaan tartammada.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US