(Manchester)  19 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa wali u majo-xeydaneysa soo xero gelinta Kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish iyo laacibka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane xagaagan, waxayna haatan iibineysaa qaar ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah.

Tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisa ayaa suuqa kala iibsiga ka doonaya inay uga soo laabato 250 milyan oo gini marka ay iibiyaan shanta xiddig ee ay baahisay majaladda dhowaanahan arrimaha suuqa kala iibsiga ka dhex muuqata ee Fichajes.

Xiddigaha kala ah Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez, Bernardo Silva iyo Aymeric Laporte ayaa dhammaantood loo sheegay inay koox raadsadaan, waana shanta xiddig ee ay Man City suuqa soo dhigtay.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US