(Manchester) 12 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay markaan u shaqaaqeyso soo xero-gelinta xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in Manchester United ay billaabi doonto u dhaqaaqista sidii ay ku soo xero-gelin lahayd ciyaaryahanka Kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi.

Naadiga Red Devils lagu Naaneyso ayaa dooneysa in xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria uu u noqdo halbowle iyaga u gaar ah, waxayna dareemayaan inay ka soo jiidan karaan Kooxda Foxes.

Ndidi ayaa wacdaro ka dhigay garoonka King Power Stadium sanadkan, waxaana uu Kooxdiisa Leicester City u ciyaaray Final-kii FA Cup-ka ee xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US