WASHINGTON(HALBEEG)-Mareykanka ayaa muddo lix bilood ah kaddib duqeyn ka fuliyay Soomaaliya, taas oo uu la beegsaday xubno ka tirsan al-Shabaab.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadadii xaqiijisay inay ka dambeeyeen weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas fulinteeda loo cuskaday sharciyo hore u jiray, si loo difaaco xoogagga Mareykanka xulufada la ah.

“Ciidamada Mareykanku waxay hayeen howlgal talo bixin iyo caawimaad ah, kuwaas oo lagu taageerayay ciidanka Soomaaliya” ayuu yiri afhayeenka waaxda Gaashaandhigga Mareykankanka Cindi King.

Weerarkii cirka ee Talaadadii lala beegsaday al-Shabaab ayaa ah duqeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah muddo lix bilood ah uu mareykanku ka fuliyo Soomaaliya, waana tii ugu horreysay oo la qaado tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sababta duqeyntan loo oggolaaday ama in Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabi doono olole lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya.

The post Mareykanka oo Muddo Kaddib Duqeyn Ka Fuliyay Soomaaliya appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US