Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo maanta looga hadlay Amniga, xaaladda COVID-19, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo la dagaalanka maandooriyaha iyo mobile Furashada.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda guud ee Amniga, howlgalada amniga lagu horimarinayo oo meel wanaagsan maraya iyo tayeynta iyo tababarada Ciidamada oo ka mid ah guulaha la mahdiyey ee Dowladdu gaartay, Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada la dagaalanka maandooriyaha iyo Mobile furashada iyo sidii sharci looga soo saari lahaa.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa Golaha la wadaagtay Xaaladda degmooyinka Puntland iyo dhismaha goleyaasha degaanka oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay iyana la wadaagtay Golaha Xaaladda Covid19 ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada dowliga ah ee socota waxaana uu faray hay’addaha dowladda in lasii dardargeliyo.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US