Golaha Wasiirada ee Codka Kalsoonida aan haysan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Meel mariyay Guddiga Maamulka Hay’adda Nidaaminta Shidaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa 4-ta Bishan August waxa ay daah-furidoontaa Xaraashka Xermooyinka Shidaalka Soomaaliya, waana Sababta keentay in Golahan aan Codka Kalsoonida haysan ay meel mriyeen Xubnaha Guddigan.

Si looqaado tilaabada Xaraashka Xermooyinka oo gaaraya ilaa 7Xermo, waxaa qasab ahayd in la dhiso hay’addan oo Sharciga Batroolka tilmaamayo waana Sababta ay Golaha Wasiirada ku Meel Mariyeen.

Xaraashka Waxaa looga dhawaaqi doonaa Magaalada Houston, Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka,oo ah Saldhiga Shidaalka Adduunka. waxaana Soomaaliya u maamuli doonta Shirkad lagu Magacaabo IHS iyo Shirkadda TGS oo laga leeyay Norwey.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US