(England) 10 Luulyo 2020. Falanqeeyayaasha horyaalka Premier League ayaa doortay shaxda kooxdii ugu fiiceneyd kulamadii laga ciyaaray toddobaadkan horyaalka Ingiriiska.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa hoggaaminaya xulashooyinka halyeeyada reer England ee Alan Shearer oo ah falanqeeyaha rasmiga ah ee kulamada horyaalka Premier League.

Maxamed Saalax ayaa bandhig fiican ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay ay Liverpool la ciyaartay kooxda Brighton Arbacadii, kaddib markii uu dhaliyay 2 gool, halka sidoo kale uu caawiyay goolkii saddexaad ee ciyaarta, taasoo ka caawisay Reds inay guul ku gaarto 3-1.

Waxaa sidoo kale shaxdan ku soo baxay xiddiga reer France ee Paul Pogba, sidoo kale xiddigaha İlkay Gündoğan, Jordan Henderson, Willian iyo David Silva.

Shaxdan ayuu halyeeyada reer England ee Alan Shearer tababare kaga dhigay maacalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola.

Haddaba shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii 34-aad ee laga ciyaaray horyaalka Premier League Isbuucan ayaa ah sidan:

صورة

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US