Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku jira qaab ciyaareed Liita tan ilaa markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub ee Arsenal.

Xiddiga reer Gabon ayaa la arkay isaga oo cunaya Kiniin xanuun Baabiiye ah intii lagu jiray kulankii Leicester City ee horyaalka premier League.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku bilowday kulankii Leicester City isaga oo dhanka qaab ciyaareedka ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa sidoo kale ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kooxdiisa kulankii Leicester City ka hor intii aan la arkin xiddiga oo kiniin cunaya ciyaartu intii ay socotay.

Kadib markii ay ciyaartu 24 daqiiqo socotay Xiddiga Arsenal ayaa aaday kaydka Arsenal isaga oo qaatay Kiniin iyo Biyo xilli uu la hadlayay mid ka mid ah shaqaalaha Arsenal.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saarttay Cafiskii Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Fidiyay Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US