(London) 29 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si aad ah u xiiseyneysa lasoo saxiixashada xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Leicester City ee James Maddison sida lagu helayo wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska.

Kubbad abuuraha reer England ayaa kula jira Leicester qandaraas uu ka harsan yahay saddex sano iyadoo kooxdiisa aysan dooneyn inay ku iibiso qiimo hooseeya xagaagan maadaama uu qayb ka yahay xiddigaha ugu muhiimsan safkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Sky Sports ayaa sheegay inay Gunner u baahan tahay inay kooxda Foxes lagu naaneyso siiso lacag gaareysa 70 milyan oo gini si u gacanta ugu dhigto saxiixa 24-sano jirkan.

Arsenal ayaa si aad ah u bartilmaameedsaneyso Maddison waxaana si iibkiisa ugu hesho miisaaniyad ballaaran ay sidoo kale u baahan tahay inay iibiso xiddigo ay ka mid yihiin Alexandre Lacazette iyo Hector Bellerin.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US