Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon iyo xulka qaranka Holland ee Memphis Depay ayaa fariin khaas ah u diray xiddiga Virgil Van Dijk kadib markii uu gool u dhaliyay kooxdiisa Lyon sabtidii.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Depay ayaa kooxdiisa gool u dhaliyay kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1 oo ay la ciyaarayeen kooxda Monaco.

Kadib markii uu goolka dhaliyay Memphis Depay ayaa kor u qaaday maaliyadiisa isaga oo muujiyay qoraal ay ku qortay”VIRGIL: Adkayso Walaal”.

Depay iyo Van Dijk waa saaxiibo isku dhow maadamaay muddo dheer isaga soo garab ciyaareen xulka qaranka Holland

Van Dijk ayuu soo gaadhay dhaawac jilibka ah kaas oo uu muddo dheer uga maqnaan doono garoomada kubada cagta.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US