Suuqa Kala Iibsiga ayaan furnayn laakiin arintaas ayaan kooxaha kala duwan ee adduunka ka hor istaagin in lala xidhiidhiyo xiddigo kala duwan.

Suuqa ayaa furmi doona bilowga sanadka cusub ee 2021 gaar ahaan bisha January waxana ay kooxaha kala duwan ee adduunku haatanba bilaabeen dadaalada ay ku doonayaan in ay saxiixyo cusub ku helaan marka uu suuqa kala iibsigu furmo.

Dhanka kale waxa jira xiddigo marka uu suuqu furmo doonaya in ay isaga tagaan kooxohooda haatan si ay u badbaadiyaan xirfadoosa ama ay ugu biiraan koox ay koobab kula guulaystaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba kooxda.com ayaa halkan idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee xanta suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wararkan ka soo qaadatay wargaysyada ku hor qoran wararka suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara ee Raheem Sterling (Mirror).

Man City ayaa sidoo kale diyaarinaysa heshiis cusub oo ay ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Gabriel Jesus (Star).

Tababare Pep Guardiola ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xiddiga Benfica ee Darwin Nunez kaas oo uu u arko badalka Sergio Aguero (Telegraph).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Real Madrid (Marca).

Laakiin Agaasimaha kooxda Juventus ayaa sheegay in ayna doonayn in uu xiddiga reer Portugal ka tago kooxda (Tottosport).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay suuqa Janaury amaah ku diraan Goolhayaha Dean Henderson (Sun).

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa doonaya in uu suuqa January ku biiro kooxda David Beckham ee Inter Miami (Sunday).

Kooxda Inter Milan ayaa dhankeeda doonaysa in ay suuqa January la soo saxiixato xiddiga Giroud iyo Georginio Wijnaldum (Corriere dello Sport).

Isco ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa January xilli lala xidhiidhinayo Arsenal xilli Los Blancos ogolaatay dalabka xiddiga (Marca).

Zindane ayaa Man Uited u sheegay in ay wakhtiga isaga luminayaan baacsiga saxiixa daafaca Raphael Varane (Goal).

Kooxda Inter Milan ayaa Man United u soo bandhigaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen si ay badalkiisa u helaan xiddiga Fred (Football Italia).

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona heshiis hordhac ah kala gaadhay saxiixa xiddiga Ansu Fati xagaagii hore ka hor inta ayna Barcelona ka bixin wadahadalada (Sport).

Dayot Upamecano ayaa Like Saaray Qoraal ay Man United soo dhigtay Instagram-ka taas oo dabka ku sii shidaysa wararka Daafaca la xidhiidhinaya United (Manchester Evening News).

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga Neymar si ay kooxda ugu sii haysato xiddiga Kylian Mbappe (Sport).

Kooxda Man City Ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi sabab la xidhiidha mushaharkiisa oo badan iyo da’diisa oo weyn (Mirror).

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US