Xiddigii hore ee kooxaha Man United & Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaliyay in ay Liverpool iska iloobi doonto qaab ciyaareedkooda xun ee premier League waliba guul weyn ka gaadhi doonto kooxda Man United tartanka FA Cup-ka.

Labada kooxood ayaa ku kulmi doona Old Trafford Axada todobaad kadib markii ay bar-baro 0/0 ah ku galeen Anfield horyaalka prmeier League.

Liverpool ayaa hogaanka horyaalka u lumisay Man United kadib markii ay qaab ciyaareed xun soo bandhigeen 4-tii kulan ee ugu dambeeyay premier Legaue.

Laakiin Michael Owen ayaa rumaysan in uu FA Cup-ku u yahay fursad ay kooxda Jurgen Klopp ku soo laabtaan premier League.

“Waxa aan kulankan arki doonaa is badal dhanka xiddigaha iyo shaxda ah”ayuu Michael Owen u sheegay Betvictor.

“Todobaadkii hore waxa uu ahaa mid xiiso leh United ayaana u muuqatay kuwo ku faraxsnaa 90-ka daqiiqo”.

“Haatan waa Koob, waxan u malaynayaa in uu ku soo bixi doono si ka duwan kulankii hore iyada oo United ku ciyaarayso garoonkeeda umana malaynayo in ay difaac gali doonto sidii kulankii Anfield”.

“Hadii ay Man United sidaas samayso oo ay weerar gasho waxa ay Albaabka u furaysaa Liverpool si ay uga faa’iidaysato weerarka”.

“Aniga oo arintaas eegaya waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool guul gaadhi dooto iskana xaadirin doonto wareega xiga”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US