(Manchester) 18 Luulyo 2021. Mid ka mid ah xiddigaha Bartilmaameedka u ah Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inuu guri ka raadsanayo dalka Ingiriiska.

Bartilmaameedka Manchester United ee Kieran Trippier ayaa la soo sheegayaa in guri uu deggo uu ka baadi goobayo halka la yiraahdo Cheshire ee dhacda Waqooyi-galbeed England.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warinaya in xiddiga  bartilmaameedka u ah Manchester United ee Kieran Trippier la arka isagoo guri ka raadsanaya meel ku dhow garoonka Old Trafford.

Daafaca dambeedka midig ee Kooxda Atletico Madrid iyo Xulka qaranka England ayaa xiiseynaya inuu iibsado guriga Raheem Sterling ee Cheshire, iyadoo xiddigan Trippier la la xiriirinayo inuu ka mid noqdo Kooxda ay xafiiltamaan Man City.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US