Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Artwta ayaa kashifay sababtii uu kabtankiisa Pierre-Emerick Aubameyang ku seegay kulankii FA Cup-ka ee ay kooxda Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Southampton.

Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Southampton iyaga oo ka hadhay tartanka FA Cup-ka waxana kulanka ka maqnaa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Tababare Arteta oo ciyaarta kadib ka hadlay sababta uu Pierre-Emerick Aubameyang kaga maqnaa kulanka ayaa yidhi”Auba waxa uu lahaa arimo shaqsi ah sidaas darteed waxa aan u ogolaanay in uu ka maqnaado kulanka”.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ah xiddig goolal badan u dhaliyay Arsenal tartanka FA Cup-ka maqnaanshihiisuna waxa uu sababay in ay Gunners ka hadho tartanka.

Kooxda Arsenal aya kaga hadhay tartanka wareega 32-ka iyaga oo aan difaacan doonin wareegyada kale ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US