Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Amaan ugu qubeeyay xiddiga da’yarka ah ee Eddie Nketiah kadib markii ay Arsenal iska xaadirisay Semi-final-ka FA Cup-ka.

Xiddigaha Nicolas Pepe Iyo Dani Ceballos ayaa dhaliyay goolasha ay Arsenal dhaliyay isagana xaadiriyeen wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.

Si kasta ha ahaatee Mikel Arteta ayaa Amaan ugu qubeeyay xiddiga Eddie Nketiah inkasta oo uu badal ku soo galay daqiiqadii 68-aad markaas oo uu badalay Alexandre Lacazette.

Arteta ayaa taageero weyn u ahaa xiddiga 21 jirka ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda waxana cadayn u ah in uu si khaldan u amaanay xiddiga inkasta oo uu daqiiqado yar ciyaaray kulankii Sheffield United.

Markii la waydiiyay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta ayuu Ateta ku jawaabay”Waa xiddiga Eddie Nketiah waxa aad arkaysaa sida uu u ciyaaray waxa uu mar walba u dagaalamayaa maaliyada kooxda wax kale ma doonayo sidaas darteed waan jecelahay”.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US