(Milano) 30 Luulyo 2021. Kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa wadahadal la gashay maamulka naadiga reer England ee Chelsea, si ay kaga hesho saxiixa ciyaaryahanka reer Morocco Hakim Ziyech, sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada Talyaaniga.

Rossoneri ayaa raadineysa inay la soo saxiixato qadka dhexe ee weerarka ah xilligan xagaaga, si ay kaga dhigato badelka laacibka reer Turkey Hakan Çalhanoğlu, oo uu ku biiro kooxda Inter Milan.

Wargeyska “La Gazzetta dello Sport”, ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka AC Milan ay wali wadahadal kula jiraan kooxda Chelsea iyo wakiilka Hakim Ziyech, maadaama uu ka mid yahay ciyaartoyda ay Rossoneri haatan ka dhiganeyso bar-tilmaameed.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in 28 jirkaan uu jecel yahay inuu u dhaqaaqo Milan, si uu si joogto ah ugu ciyaaro, marka loo fiiriyo inuusan kulamo badan ka soo muuqan kooxda reer London xilli ciyaareedkii hore.

AC Milan Pushing Desperately To Land Hakim Ziyech (Full Details) -  MySportDab

Wargeyska “La Gazzetta dello Sport”, ayaa wuxuu intaas sii raaciyay inay Milan ku adkaan doonto in Chelsea ay ku qanciso inay fasaxdo laacibkeeda Hakim Ziyech, gaar ahaan maadaama ay Blues diidan tahay qaab amaah ahaan ku bixiso.

Si kastaba ha ahaatee, Xiddiga reer Morocco ayaa ku soo biiray Blues xagaagii 2020 isagoo ka yimid kooxda Ajax Amsterdam, waxaana uu dhaliyay 6 gool, isaga oo caawiyay 4 gool kale, 39 kulan oo uu la ciyaaray kooxda London tartamada oo dhan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US