ADDIS ABABA(HALBEEG)-Taliyaha ciidamada Itoobiya, Birhanu Jula ayaa sheegay in uu sugayo amar uu mar kale ku weeraro gobolka Tigray.

Xiisadda ka taagan dalka Itoobiya ayaa ah mid kacsan iyada oo dowladda dalkaasi ay waddo abaabulka ciidamo la dagaallama xoogagga gobolka Tigrey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka imika uu ku sii fidayo gobollada kale ee dariska la ah gobolka Tigrey.

Taliyaha ayaa ugu baaqay jabhadda TPLF in ay xushmeeyaan xabad joojintii labada dhinac ahayd.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa horey ugu baaqay dowalad deegaannada inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xogagga TPLF.

Deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ah deegaannada ciidamada u diray si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya si lama filaan ah ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ahayd, waxayna halkaasi kala soo baxday ciidamadeedii ku sugna gobolka Tigrey.

Dagaalka gobolka Tigrey ayaa waxaa uu socday muddo ka badan 8 bilood.waxaana ku dhintay kumannaan qof oo intooda badan ay yihiin dad rayid ah.

Ugu yaraan 350,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ayaa wajahaya macaluul, halka 5 milyan oo qof oo kale ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin.

 

The post Milatariga Itoobiya oo Markale Qarka U Saaran In ay Weeraraan Gobolka Tigray appeared first on Halbeeg News.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US