(Manchester) 29 Juun 2020. Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa ku wada ciyaari doona garoonka Etihad Stadium kulan ka tirsan horyaalka Premier League habeennimada Khamiista, xilli Reds ay dhawaan shanta farood ku dhigtay horyaalka Ingiriiska muddo soddon sano ah kaddib.

Man City ayaa guuldarro 2-1 kala kulantay Chelsea kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka, taasoo kooxda Macallinj Jurgen Klopp ay ku xaqiijisay hanashadooda Premier League.

Ciyaarta ay labada koox ku balansan yihiin toddobaadkan ayaa noqoneysa ciyaartii ugu horreysay ee ay Liverpool ciyaarto kaddib ku guuleysigooda horyaalka England, waxaana Citizens ay saf u gali doonta kooxda martida ah si ay ugu hambalyeyso guusha ay soo qaadatay.

Macallinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay inay saf-sharafeed u gali doonaan kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

“Waxaan siin doonaa saf-sharafeed, dabcan” ayuu yiri macallinka City.

“Waxaan u salaameynaa si cajiib ah marka ay gurigeenna yimaadaan.

“Waan u sameyneynaa maamuus maxaa yeelay way u qalmaan.” ayuu carrabka ku adkeeyay Macallin Guardiola.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US