Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Barcelona tartanka champions League.

Shabakada beIN SPORTS ayaa sheegaysa in uu Cristiano Ronaldo wali ku jiro Karantiil walina uuna ku soo laaban tababarka buuxda ee kooxda saacado ka hor kulanka Juventus.

Sidaas darteed Xiddig ayaa gabi ahaan seegi doona kulanka Ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona tartanka champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa karantiil ku jiray tan ilaa fasaxii xulalka kadib markii laga helay xanuunka Korona isaga oo ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa.

Roanldo ayaa rajaynyay in uu taam u noqdo kulanka champions League si uu uga hor tago xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Laakiin xiddiga 35 jirka ah ayaa seegi doona kulanka maadama uuna wali wax tababar ah la qaadan kooxda inteeda kale.

Sii Akhriso: Shacabka Reer Somaliland Oo Mudaharaadyo Kaga Soo Hor Jeestay Hadalkii Uu Madaxweynaha France Ku Aflagaadeeyay Nebi Maxamed {NNKH}

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US