Wargeyska Marca ayaa daboolka ka qaaday waxa ka jira wrarka sheegaya in Real ay doonayaan in ay dib u soo ceshtaan xiddigoodii hore Ronaldo

Ronaldo ayaa Real ka huleelay xagaagii 2018-da waqtigaas oo uu 10 milyan oo euro ugu wareegay Juventus oo muddo laba sano ah ku bixisay lacagataas.

Waxaa dhawaanahaan soo baxayay warar sheegaya in Ronaldo ka huleelayo Juve lagana yaabo in Real uu ku laabto marka loo eego laacibka oo uusan weli ka dhamaan jaceylka kooxdiisa hore.

Laacibkaan oo aad u daawada kulamada El Clasico ee kooxdiisii hore welina saaxibo la ah xiddigaha Real waxa ay dad badan tilmaameen in Ronaldo laga yaabo in uu soo laabto.

Balse haatan wargeyska Marca ayaa qoraya in Real aysan ku fikireyn in ay dib u soo cehstaan Ronaldo sababo la xariira mushaarkiisa oo aad u sareeya xilli haatan uu Juve sanadkii ka qaato aduun dhan 31 milyan oo euro

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Ronaldo xittaa uusan dooneyn in uu aado meel ka baxsan Italy inkastoo PSG lala xariirinayo sababtuna waxa ay tahay Italy dhanka canshuurta qiimo go`an ayaa laga qaadaa sanadkii

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US