Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa ka hor kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man United kana tirsan tartanka FA Cup-ka.

Mohamed Saah ayaa ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa bishii December ee kooxda Liverpool isaga oo abaalmarinta ku garaacay xiddiga Roberto Firmino.

Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo qof walba oo ii codeeyay laakiin waxa aan kaliya u baahanahay guulo kulamada soo socda”.

“Waan ka xumahay xaalka aan ku jirno ma ahan mid fiican laakiin waxa aan u baahanahay in aan isku duubnaano oo aan si adag u shaqayno”.

“Waxa fiican in aan isku duubnaano haatan waliba aan kooxda taageernimo si aan uga bahno xaalka aan ku jirno”ayuu Salah sii raaciyay hadalkiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US