Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha gobollada dalka, halka uu kuwo cusub magacaabey.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday; Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyihii Gobolka Hawd iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali Muus Guddoomiyihii Gobolka Awdal.

Halka uu magacaabey lix guddoomiye oo cusub kuwaasi oo kala ah;

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US