Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar labaad loo doortay xubin ka mid ah xubnaha Hirshabeelle ku matal Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Muuse Suudi ayaa ka guuleystay Axmed Xasan Cadow Daaci, kadib markii uu wareegii labaad ee doorashada helay 55 cod, halka Axmed Daaci helay 44 cod.

Muuse Suudi ayaa noqday xildhibaankii ugu horraysay Aqalka Sare ee caawa lagu doorto mahaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Muuse Suudi ayaa ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii ugu tunka waynaa magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Muuse Suudi oo kursigiisii difaacday appeared first on Puntland Post.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US