(Madrid) 18 Sebt 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in xaaladda jireed ee Eden Hazard aysan aheyn mid aad u fiican.

Hazard ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay ee Inter Milan ee Champions League, kaddib markii uu ka qeyb galay ciyaartii ka horreysay ay Celta Vigo ku wada ciyaareen horyaalka Spain.

Tababare Carlo Ancelotti oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka habeen dambe ee Valencia, ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda Eden Hazard, wuxuuna yiri:

“Hazard ma ciyaarin kulankii ugu dambeeyay sababtoo ah wuxuu qabay dhibaato yar oo jilibka ah, dhibaatadaas ayaa sidoo kale dhibtay tababarka Jimcihii.”

“Waan arki doonaa xaalada Hazard, laakiin guud ahaan wuu soo hagaagay, waa inaan ka taxadarnaa sababa la xiriira dhaawaciisii hore awgii, inuu ciyaaro laba kulan oo xiriir ah way adkaan kartaa.”

“Wali ma gaarin heerka aan dhamaanteen dooneyno, laakiin dhamaanteen waxaan ku kalsoonahay inuu ku laaban doono heerkiisii ​​ugu fiicnaa.”

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US