(Newcastle) 14 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa noqotay kooxda ugu hodansan kubadda cagta dunida kaddib markii Amanda Staveley, Mehrdad Ghodoussi iyo sanduuqa Saudi Public Investment Fund ay mulkiyadda kala wareegeen Mike Ashley.

Sidaas darteed, kooxdan oo looga cabsi qabo inay dhaqaale xooggan ku fardhiso suuqa kala iibsiga ayaa lagu soo warrayamaa inay xiriirro joogto ah la sameyneyo wakiilka weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner.

BFW Commentary: Germany's Timo Werner should embrace the hate and turn heel  - Bavarian Football Works

Wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee The Bild ayaa sheegaya inay naadiga Magpies lagu naaneyso ay bartilmaameedka koowaad ka dhigatay Werner kaasoo ay dooneyso inay bilaw uga dhigto ole’olaha xoojinta safka kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa laacibka reer Germany kaga soo qaadatay RB Leizpig qiimo dhan 48 milyan oo gini xagaagii 2020 hase ahaatee, waxa uu ku guuldarreystay inuu bandhig fiican ka sameeyo Stamford Bridge isagoo xilli ciyaareedkan booskiisa ku lumiyay imaanshada Romelu Lukaku.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US