Qadka dhexe kooxda Chelsea ee Kante ayaa la xaqiijiyay in uu ka careysan yahay tababarihiisa Lampard waxa ayna taasi keeneysaa in laacibka uu baxo.

Waqti sii horeeyay oo shalay ah ayay aheyd markii qoyska Kante ay xaqiijiyeen in wiilkooda xilli ciyaareedka dambe laga dhex arki doono koox aan aheyn Chelsea .

Arintaas waxa ay heegan gilisay kooxda Real Madrid xilli Inter Milana iyana ay aad u baadi goobayaan saxiixa Kante

Wargeyska Le Parisien ee France ayaa xaqiijinaya in Kante uu ka careysan yahay talaabo uu maclain Lampard uga hor istaagay in uu ka maqnaado tabaarka kooxda si uu uga qeyb galo xafladda arooska saaixbkiisa.

Wargeyskaas France waxa uu tilmaamayaa in talaabadaas ay cirka ku sii shareertay xanta ah in Kante uu bixi doono , waxaana haatan heegan loogu jiro saxiixiisa ku soo biirtay Real Madrid.

Qandaraaska Kante ee Chelsea ayaa dhacaya xagaaga 2023-ka , waxa ayna qoyskiisa diideen in ay carbaabaan kooxda loo badinayo in uu xagaaga u wareegi doono.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US