Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka xun ee kooxdiisa ee kulamada Old Trafford ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaan wax guul ah gaadhin 4-ta kulan ee ay ilaa haatan ku ciyaartay horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa la kulantay 3 guuldaro iyo hal bar-baro 4-ta kulan ee ay ilaa haatan ku ciyaartay garoonkeeda Old Trafford.

Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mininka iyo Martidu haatan way kala duwanyihiin, mana ahan sidii ay ahaan jirtay.

“Waxa aan ciyaarnay 4 kulan oo aan ku ciyaarnay garoonkeeda, kulankii hore waxa naga maqnaa diyaar la’aan, Palace-na way u qalantay in ay guul gaadho, Tottenham-na way u qalantay guushii ay naga gaadhay kadib kaadhkii casaa ee loo taagay Anthony Martial”.

“Labada Kulan ee kale hadii ay garoonka joogaan Taageerayaal waxa ay naga caawin lahaayeen in aan guul gaadhno labada kulan ee kale”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US