LONDON (HALBEEG) – Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in xilli ciyaareedka Manchester United uu billowday haatan ka dib markii uu dhiirranaan ka qaaday kabtanka Harry Maguire uu hoggaanka u qabtay guul soo laabasho ah oo ay ka gaareen kulankii xalay ee Newcastle.

Maguire ayaa barbarreeyay gool uu iska dhaliyay Luke Shaw kahor inta uusan goolal soo daahay ka kala imaan Bruno Fernandes, Aaron Wan-Bissaka iyo Marcus Rashford , taasi oo Manchester ku hoggaamisya in 4-1 ku garaacdo Niewcastle.

Waxay aheyd jawaabtii ugu fiicneyd ay bixisay kooxda Solskjaer ka dib markii laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu horreysay ee horyaalka, oo ay ku jirto guuldaradii mahadhada ku reebtay jamaahiirta Manchester 6-1 ee Tottenham ka soo gaartay.

Solskjaer ayaa yiri ”Xilli ciyaareedku maanta ayuu noo bilaabmay.

Waxaan la nimid cayaar xawaare sare leh”


Post Views:
31

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US