(Paris) 13 Okt 2021. Sergio Ramos ayaa ah midka kaliya ee aanan wali u safan Paris Saint-Germain marka laga fiiriyo saxiixyadii waaweynaa ee ay xagaagan sameysay, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu difaacan kusoo laaban doono garoommada goor dhow.

Difaaca Isbaanish-ka ah ayaa waayihiisa PSG ku bilawday qaab qaraw leh, waxaana waqtigiisa soo koobay dhaawacyo inkastoo uu haatan si buuxdo usoo kabsaday isla markaana uu ka qayb qaadanayo tababarka buuxa.

Dhinaca kale, waaxda caafimaadka kooxda reer France ayaa u caddeysay Ramos inuu safan karo ciyaar buuxda hase ahaatee waxaa go’aanka soo doorashada kabtankii hore ee Real Madrid iska leh wixii haatan ka dambeeya Tababare Mauricio Pochettino.

Si kastaba ha ahaatee, Ramos ayaa safan kara 15-ka bishan ciyaarta ay PSG la ciyaareyso naadiga Angers ee ka tirsan horyaalka Ligue 1.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US