Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in uu isaga fadhiistay xulka qarankiisa France.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in uu xiddiga Paul Pogba isaga fadhiistay u ciyaarista xulka qaranka France kadib markii uu madaxweynaha France ee Emmanuel Macron uu Aflagaadeeyay diinta Islaamka iyo waliba Nebi Maxamed c.s.

Paul Pogba oo bartiisa bulshada kaga jawaabaya arintaas ayaa yidhi”The Sun ayaa mar kale samaysay, shaki la’aan wararkaas wax run ah kama jiraan, waxba ma sheegin xitaa kama fikirin in aan joojiyo u ciyaarista xulka France”.

“Aad ayaan uga xanaaqsanahay saxaafada waxan ay adeegsanayaan magacayga si ay u sameeyaan ciwaano iyaga oo adeegsanaya waxa haatan ka jira France”.

“Anigu waan ka soo hor jeedaa wax walba oo dhibaato ah waxana aan ka xumahay in wargaysyada qoraya waxaas ayna masuul ahayn waliba faafinayaan warar been ah”.

‘Waxa aan marsiin doonaa sharciga cid walba oo faafisay wararkaas beenta ah”.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US