Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa doonaya in uu si xor ah uga tago Man United kuna biiro kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga reer France ee man United ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo uu kaliya hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa inkasta oo au United dookh u haysato hal sano oo dookh ah.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona rajaynayso in ay ka faa’iidaysato xaalka waliba si xor ah ku hesho xiddiga xagaaga dambe.

Barcelona ayaa ku dhibatoonaysa in ay lacag badan kula soo saxiixato xiddiga taas oo sababtay in ayna saxiixyo waaweyn samayn suuqii xagaaga.

Sidaas darteed Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay heshiis la meel dhigto Paul Pogba marka la gaadho suuqa January si ay xiddiga xor ugula wareegaan xagaaga dambe.

Sii Akhriso: Kenya Oo 3 Shardi Ku Xidhay In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Somaaliya

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US