Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa sheegay in ay Man United u baahantahay daafac aad u fiican hadii ay doonayso in ay Man City kula tartanto premier League.

Kooxda Man United ayaa 10 dhibcood ka dambaysa Man City kuwaas oo gu cad-cad ku guulaysiga horyaalka Premier League.

Scholes oo 11 koob oo premier League ah kula guulaystay ayaa Man United u sheegay in ay kooxdu la soo saxiixato daafaca cusub si ay ugu tartanto horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

“Waxan u malaynayaa in ay u baahanyihiin daafac heer sare ah”ayuu Scholes u sheegay BT Sport.

“Hadii aad dib u eegto kooxaha ku guulaystay horyaalka premier League waxa ay iska dhiseen daaaca dhexe”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US