Halyeeyada Manchester United ee Rio Ferdinand iyo Paul Scholes ayaa Tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uuna ku ciyaarin laba xiddig oo khadka dhexe ee daafaca ah gaar ahaan kooxaha ay ka badin karaan.

Red Devils ayaa ugu dambayn guul ku gaadhay garoonkeeda Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka premier League kadib markii ay garaaceen kooxda West Brom.

United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay West Brom iyaga oo aan samayn fursado badan waxana ay labada Halyeey Solskjaer u sheegeen in uu shax weerar u badan ku ciyaaro marka uu ka hor tagayo kooxaha yar-yar.

“Waxan u malaynayaa marka aad ku ciyaarayso garoonkaaga oo aad waliba haysan karto in badan uma malaynayo in uu ku ciyaaro laba xiddig khadka dhexe oo daafaca ah”ayuu Scholes yidhi isaga oo ka hadlaya Fred iyo Nemanja Matic.

“Hadii ay tahay Fred, Matic ama Scott McTominay, waxa ay ku fiicanyihiin in ay kubada hayaan waliba ilaaliyaan labada daafac”.

“Sidaas darteed ma jirto sabab uu laba xiddig oo khadka dhexe ee daafaca ah ugu ciyaaro marka aan ka hor tagayno koox yar”.

Ferdinand ayaa sii raaciyay”Waa dhibaato marka aad laba xiddig oo khadka dhexe oo daafaca ah ku ciyaarto hoay uma wadi karaan kubada”..

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US