Man City ayaa haatan ku jira kaalinta 13-aad ee kala saraynta premier League kadib markii ay 2 guul, 2 bar-baro iyo hal guuldaro kala kulantay 5-tii kulan ee ugu horaysay horyaalka premier League.

Pep Guardiola ayaa sidaas ugu jira bilaabashadii ugu xumayd ee xirfadiisa tababaranimo iyo kooxihii uu horay u soo hogaamiyay.

Sabtidii Man City ayaa iska lumisay dhibco kale kadib bar-barihii ay la gashay West Ham kadib markii ay bar-baro la gashay Leeds sidoo kale guuldaro kala kulantay Leicester City.

Kooxda Man City ayaa leh 8 dhibcood waxana ay 5 dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Everton Iyo Liverpool.

Waxa intaas sii dheer in kooxdiisa laga dhaliyay 8 gool halka ay sidoo kale kooxdiisu dhalisay kaliya 8 gool premier League xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Shacabka Reer Somaliland Oo Mudaharaadyo Kaga Soo Hor Jeestay Hadalkii Uu Madaxweynaha France Ku Aflagaadeeyay Nebi Maxamed {NNKH}

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US