Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne garoomada ka maqnaan doono wax ka badan 6 todobaad kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaawac looga saaray kulankii Aston Villa ee Premier League ee salaasadii.

Xiddiga ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhaawacmay muruqa laakiin la sheegay in uu ugu yaraan garoomada ka maqnaan doona 2 ilaa 4 todobaad inta u dhexaysa.

Laakiin tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in uu dhaawaca xiddigu ka xun yahay sidii laga cabsi qabay markii hore.

Xiddiga ayaa haatan garoomada ka maqnaan doona muddo u dhexaysa 6 ilaa 8 todobaad kadib dhaawacii soo gaadhay.

“Waa dhirbaaxo, miyayna ahayn?”laakiin waa in aan horay u socono”ayuu Guardiola yidhi.

“Waa nasiib xumo soo wajahday isaga iyo kooxda laakiin haatan waa in aan helo xal aan ku socon karno la’aantii”ayuu sii raaciyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US