Kooxda Man City ayaa sii wada guulaha iyo natiijooyinka fiican ee horyaalka Premier League iyaga oo garaacay kooxda Brighton kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Guardiola shaxdiisa ku sameeyay is badal la yaab leh isaga oo kaydka dhigay xiddigo badan oo muhiim ah.

Man City ayaa iska caabin kala kulantay kooxda Brighton iyaga oo si fiican uga difaacday goolkooda xilli ay Man City maamulaysay ciyaarta.

Kooxda Brighton ayaa ku dhibaatoonaysay dhanka weerarka iyaga oo hal laad oo kaliya la helay goolka kooxda Man City.

Daqiiqadii 44-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Phil Foden Kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City hogaaminayso dhanka natiijada iyo waliba qaab ciyaareedka.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ay Man City maamulaysay waliba samaysay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kareen laakiin Waxa ay Man City ku dhibaatootay in ay goolal kale dhaliso.

Man Ciy ayaa daqiiqadii ugu dambaysay heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Raheem Sterling
laakiin Man City ayaa iska khaasrisay Rikoodhada loo dhigay

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul ka caawisay in ay kaalinta 3-aad ka soo gasho kala saraynta waliba hal dhibic u jirta Liverpool hal ay United ka dambayso 4 dhibcood.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US