Waxa ku dhawaad 3 sano ka soo wareegtay markii uu Philippe Coutinho isaga tagay Liverpool kuna biiray kooxda Barcelona laakiin xiddiga reer Brazil ayaa wali xasuusta wakhtigii uu ku qaatay Reds.

Xiddiga khadka dhexe ayaa isaga tagay Anfield una dhaqaaqay Camp Nou suuqii January 2018 isaga oo uga tagay kooxda lacag dhan 106 milyan oo euro.

Marka ay xiddiguhu ka tagaan kooxda waxa ay isla iloobaan wax walba oo xasuusiya kooxdiisii hore.

Laakiin Coutinho ayaan wadadaas marin maadama uu wali haysto wax xasuusinaya kooxdiisii hore ee Liverpool.

Arintaas ayaa ah in uu gaadhiga khaaska ah ee uu Philipp Coutinho leeyahay ku qorantahay magaca kooxda Liverpool oo la soo gaabiyay.

“LFC” ayaa ku qoran gaadhiga uu 28 jirku ku wado Barcelona haatan taas oo wali muujinaysa in uu qalibiga ku hayo kooxdiisii hore.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US