Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United iyo Liverpool Paul Ince ayaa aaminsan in Pierre-Emerick Aubameyang uu isku dayi doono inuu ka tago Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Gabon ayaa soo afjaray murankii ka taagnaa mustaqbalkiisa bishii September isaga oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Aubameyang ayaa muhiim ka ahaa Arsenal xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda ku hogaamiyay FA Cup-ka laakiin Mikel Arteta ayaa xiddiga ku qanciyay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub inkasta oo uu xiiso ka helayay kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee qaab ciyaareedka Aubameyang ayaa bur-buray kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub isaga oo ku jira qaab ciyaareed liita.

Weeraryahanka ayaa lumiyay fursado fiican kulankii Wolves isaga oo ka dhalin karay goolal fudud Ince ayaana rumaysan in uu xiddigu ka fikirayo in uu ka tago kooxda.

“Aubameyang aniga ahaan wuu wal-walayaa’ayuu u sheegay DAZN.

“Wuxuu umuuqdaa mid jahwareersan. Wuxuu umuuqdaa inuusan helin adeeg ku filan, inkasta oo uu saxiixay heshiis 3 sano ah hadana ma arko in uu sii joogi doono wixii ka dambeeya xilli ciyaareenta, run ahaantii ma arko”.

“Waxa uu u muuqdaa mid niyad jabsan luuqadiisa jidhkuna waxa ay u muuqataa in uuna ku faraxsanayn kooxda”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US