(Paris) 29 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa si toos ah u gudo gashay qorshaheeda lasoo wareegidda xiddiga Manchester United ee Paul Pogba xagagan.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay inay kooxda PSG wada xaajood la bilawday wakiillada xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Faransiiska si ay u iibsato xagaagan.

28-sano jirkan ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa, waxaana haatan lagu heli karaa iibkiisa si fudud maadaama Red Devils ay halis u galeyso inay bilaash ku lumiso xagaaga dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ayaa xagaagan sameysay shan saxiix iyadoo lasoo wareegtay Gianluigi Donnarumma, Sergio Ramos, Achraf Hakimi, Georginio Wijnaldum iyo Danilo Pereira, waxayna dooneysaa inay Pogba ka dhigto saxiixeeda lixaad ee suuqa xagaagan.

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US