Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah dib u fasaxday jajabka Lacagta danabaysan, oo ay hore u xannibtay wixii ka yar hal Dollar, si loo socod-siiyo isticmaalka Shilin Soomaaliga.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa shaaciyay in dib loo fasaxay jajabka Dollarka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro.

Wasiir Qawdhan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ganacsato ku sugan Puntland oo iska-qubay Lacag shilin Soomaali ah oo duugowday, islamarkaana dano siyaasadeed oo gaar ah ula jeeday tallaabadaas.

Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale ku andacooday in Lacagta Shilin Soomaaliga ah laga isticmaalo magaalooyinka Puntland, xilli aysan jirin Lacag Shilin Soomaali ah oo ka shaqaysa gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dib u fasaxday Lacagta danabaysan kana been-sheegtay Shilin Soomaaliga appeared first on Puntland Post.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US